Home arrow Siyaasadda | Aduunka arrow UN-ka oo Sheegey in Malaayiin Soomaali ah Kaalmo Ubaahanyihiin
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:236
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:108
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:95
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:423
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 19 2008
UN-ka oo Sheegey in Malaayiin Soomaali ah Kaalmo Ubaahanyihiin
Written by Ali Moallim   
Saturday, 19 July 2008

UN-kaNairobi,(insidesomalia.org)-  Hay’adda WFP ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ayaa waxay walaac ka muujisay xaaladda nololeed ee dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo isugu jira kuwo nabadgelyo la’aan aawgeed guryahoodii uga barakacay iyo kuwo ay saameeyeen abaaro ka dhacay meelo ka mid ah Soomaaliya.

Dad lagu qiyaasay 2.6 Milyan qof oo Soomaali ah oo u dhigma 35% dadka Soomaaliyeed ayay sheegtay WFP in ay u baahan yihiin Gargaar bani’aadannimo oo si deg deg ah loola gaaro.

“Nabadgelyo la’aanta, abaaraha iyo dallagii beeraha oo hoos u dhacay ayaa waxay xaaladda nololeed ku sii adkeeyeen Dadkaas malaayiinta gaaraya, kuwaasi oo haddii aan loo helin gargaar bani’aadannimo ay xaaladdooda khatar geleyso”ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay Hay’adda WFP.

Madaxa Hay’adda WFP ee Soomaaliya Peter Goossens oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada London ayaa wuxuu sheegay in haddii aan dadkaas tabaaleysan ee Soomaaliyeed loo helin cunto ku filan bilaha soo socda uu dalka Soomaaliya geli doono xaalad khatar ah oo la mid ah masiibadii bani’aadannimo ee Soomaaliya ka dhacday sanadihii 1992 iyo 1993.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hay’adda WFP ayaa waxay ka codsatay Dalalka Caalamka in ay ugu deeqaan Maraakiib dagaal oo ilaaliya Maraakiibta Raashinka Mucaawinada ah u wada Soomaaliya, waxayna codsigaas jeedisay WFP kadib markii ay howshooda u dhamaatay Maraakiib dagaal oo ka socday Dalalka France, Denmark iyo Netherlands, kuwaasi oo muddo 8 bilood ah ilaalinayay raashinka mucaawinada ah ee ay WFP geyso Soomaaliya.





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >